Simulation of Somalia Politics, East Africa Geopolitics & Warfare
Masiirka qaranku wuxuu saaran yahay garbahaaga. Rise of The Horn waa ciyaar istaraatiijiyad, siyaasad, diblomaasiyad, iyo wadaniyad ah oo aad ku xukumayso aayaha Geeska Afrika. Qaybta 1-aad ee ciyaarta (Web-Based 2D Edition) waxa si rasmi ah loo sii daynayaa July 1st, 2026. Qaybaha kale ee (3D & Mobile) waxaa lagu dhawaaqi doonaa dhowaan.
Ujeedka guud ee ciyaarta waa barashada wadaniyada, taariikhda, iyo juqraafiga dhulkeena. Waxaad awood u leedahay in aad ku ciyaarto dowlad goboleedyada gaarka ah si aad heshiisyo dublamaasiyadeed iyo istaraatiijiyad milatari ku midayso dhamaan gobolada Soomaalida ee Geeska Afrika, ama aad u hogaamiso Hal Soomaaliya oo midaysan si loo difaaco loona kobciyo mustaqbalka qaranka.
Gobol walba wuxuu leeyahay faa'iidooyin, caqabado, iyo awoodo u gaar ah oo saameeya istaraatiijiyadaada.
Muqdisho / Caasimadda
Hogaami midnimada guud ee dalka. Waxaad gacanta ku haysaa kheyraadka dhexe laakiin waxaad wajahaysaa caqabadaha gudaha iyo cadaadiska dibadda.
Hargeysa / Dekedda Berbera
Awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo degan. Ka faa'iideyso ganacsiga badda Cas iyo dhisidda xiriir caalami ah si aad u go'aamiso aayahaaga.
Garowe / Dekedda Boosaaso
Gobolka ugu qadiimsan ee nidaamka federaalka. Waxaa caan ku yahay ciidan habaysan iyo difaac adag. Kobci xuduudaha waqooyi iyo bariga.
Jabuuti City
Ka ciyaar doorka xudunta diblomaasiyadeed ee caalamka. Dekedo waaweyn iyo saldhigyo ciidan oo caalami ah. Ma u isticmaali doontaa Somaliweyn?
Kismaayo / Webiga Jubba
Gobol hodan ku ah beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee koonfurta fog. Maamul xuduudaha dariska ah oo ilaali dekedda muhiimka ah.
Dhuusamareeb / Hobyo
Gobolka dhexe ee isku xira koonfurta iyo waqooyiga. Waxaa laga rabaa isu-dheelitir siyaasadeed iyo iska cabin adag oo ka dhan ah khataraha Amniga.
Baydhabo / Baraawe
Dadka iyo dhulka ugu wax-soo-saarka badan xagga beeraha. Dhis awood dhaqaale adag oo cunto si aad u taageerto ololaha midnimada.
Jowhar / Beledweyne
Isgoyska muhiimka ah ee webiga Shabeelle. Kobci wax-soo-saarka biyaha oo ilaali marinnada xiriiriya caasimadda iyo gobolada dhexe.
Ciyaartu waxay isku dhex-dartaa waxtar aqooneed iyo madadaalo xiiso leh.
Dagaal waqtiga dhabta ah (RTS) oo ku saabsan abaabulka ciidamada, qaadista duullaano ku salaysan juqraafiga rasmiga ah, iyo dhisidda difaac adag.
Heshiisyo dublamaasiyadeed, abuurista isbahaysiyo goboleed, ganacsi iyo canshuur xiriirin, iyo maamulka xasiloonida dadweynaha.
Baro taariikhda qotada dheer ee Geeska Afrika, kheyraadka ku jira gobol kasta, iyo muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada-jirka qaranka.
Fiiri sawirada ugu horeeya ee laga soo qaaday gudaha ciyaarta Rise of The Horn.
Noqo hogaamiyaha ugu horeeya ee iska diiwaangaliya ciyaarta si aad u hesho fursad ciyaaritaan ee Web-Based 2D (Releasing July 1st) iyo qaybaha kale ee xiga.