SomFuture Logo SomFuture
  • About
  • Ecosystem
  • Dhowaan
  • Horyaal Lab
  • Horyaal Exams
  • Rise of The Horn
  • Team
  • Contact Us
Releasing July 1st (Republic Day) 1st Release: Web 2D

RISE OF THE HORN

Simulation of Somalia Politics, East Africa Geopolitics & Warfare

Masiirka qaranku wuxuu saaran yahay garbahaaga. Rise of The Horn waa ciyaar istaraatiijiyad, siyaasad, diblomaasiyad, iyo wadaniyad ah oo aad ku xukumayso aayaha Geeska Afrika. Qaybta 1-aad ee ciyaarta (Web-Based 2D Edition) waxa si rasmi ah loo sii daynayaa July 1st, 2026. Qaybaha kale ee (3D & Mobile) waxaa lagu dhawaaqi doonaa dhowaan.

Enlist as Commander View Screenshots

Midaynta iyo Xoraynta Somaliweyn

Ujeedka guud ee ciyaarta waa barashada wadaniyada, taariikhda, iyo juqraafiga dhulkeena. Waxaad awood u leedahay in aad ku ciyaarto dowlad goboleedyada gaarka ah si aad heshiisyo dublamaasiyadeed iyo istaraatiijiyad milatari ku midayso dhamaan gobolada Soomaalida ee Geeska Afrika, ama aad u hogaamiso Hal Soomaaliya oo midaysan si loo difaaco loona kobciyo mustaqbalka qaranka.

Choose Your State

Gobol walba wuxuu leeyahay faa'iidooyin, caqabado, iyo awoodo u gaar ah oo saameeya istaraatiijiyadaada.

Qaranka Midaysan

One Somalia

Muqdisho / Caasimadda

Hogaami midnimada guud ee dalka. Waxaad gacanta ku haysaa kheyraadka dhexe laakiin waxaad wajahaysaa caqabadaha gudaha iyo cadaadiska dibadda.

Awood: Sare Istaraatiijiyad: Difaac
Awoodda Waqooyi

Somaliland

Hargeysa / Dekedda Berbera

Awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo degan. Ka faa'iideyso ganacsiga badda Cas iyo dhisidda xiriir caalami ah si aad u go'aamiso aayahaaga.

Awood: Dhexe Istaraatiijiyad: Diblomaasiyadda
Tiirka Amniga

Puntland

Garowe / Dekedda Boosaaso

Gobolka ugu qadiimsan ee nidaamka federaalka. Waxaa caan ku yahay ciidan habaysan iyo difaac adag. Kobci xuduudaha waqooyi iyo bariga.

Awood: Dhexe Istaraatiijiyad: Milatari
Isu-tallaabta Caalamiga

Djibouti

Jabuuti City

Ka ciyaar doorka xudunta diblomaasiyadeed ee caalamka. Dekedo waaweyn iyo saldhigyo ciidan oo caalami ah. Ma u isticmaali doontaa Somaliweyn?

Awood: Dhexe Istaraatiijiyad: Ganacsiga
Dhulka Kheyraadka

Jubaland

Kismaayo / Webiga Jubba

Gobol hodan ku ah beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee koonfurta fog. Maamul xuduudaha dariska ah oo ilaali dekedda muhiimka ah.

Awood: Khafiif Istaraatiijiyad: Khayraadka
Udub-dhexaadka Horn

Galmudug

Dhuusamareeb / Hobyo

Gobolka dhexe ee isku xira koonfurta iyo waqooyiga. Waxaa laga rabaa isu-dheelitir siyaasadeed iyo iska cabin adag oo ka dhan ah khataraha Amniga.

Awood: Khafiif Istaraatiijiyad: Difaac/Duullaan
Galka Beeraha

KGS (Koonfur Galbeed)

Baydhabo / Baraawe

Dadka iyo dhulka ugu wax-soo-saarka badan xagga beeraha. Dhis awood dhaqaale adag oo cunto si aad u taageerto ololaha midnimada.

Awood: Dhexe Istaraatiijiyad: Dhaqaalaha
Isu-Xirka Webiyada

Hirshabelle

Jowhar / Beledweyne

Isgoyska muhiimka ah ee webiga Shabeelle. Kobci wax-soo-saarka biyaha oo ilaali marinnada xiriiriya caasimadda iyo gobolada dhexe.

Awood: Khafiif Istaraatiijiyad: Isbahaysiga

Key Features

Ciyaartu waxay isku dhex-dartaa waxtar aqooneed iyo madadaalo xiiso leh.

Warfare & Tactics

Dagaal waqtiga dhabta ah (RTS) oo ku saabsan abaabulka ciidamada, qaadista duullaano ku salaysan juqraafiga rasmiga ah, iyo dhisidda difaac adag.

Geopolitics & Diplomacy

Heshiisyo dublamaasiyadeed, abuurista isbahaysiyo goboleed, ganacsi iyo canshuur xiriirin, iyo maamulka xasiloonida dadweynaha.

Patriotism & Education

Baro taariikhda qotada dheer ee Geeska Afrika, kheyraadka ku jira gobol kasta, iyo muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada-jirka qaranka.

Gameplay Screenshots

Fiiri sawirada ugu horeeya ee laga soo qaaday gudaha ciyaarta Rise of The Horn.

Gameplay Screen 1
Strategy Map
Gameplay Screen 2
Military Tactics
Gameplay Screen 3
Diplomatic Treaty
Gameplay Screen 4
Somaliweyn Map
Gameplay Screen 5
Resource Management
× Expanded Gameplay Screenshot

Register Your Commander Tag

Noqo hogaamiyaha ugu horeeya ee iska diiwaangaliya ciyaarta si aad u hesho fursad ciyaaritaan ee Web-Based 2D (Releasing July 1st) iyo qaybaha kale ee xiga.

Diiwaangelinta waa socotaa...
Hambalyo Commander! Waxaad si guul leh ugu biirtay waitlist-ka ciyaarta. Koodhkaaga gaarka ah waa la keydiyay.
Waan ka xunnahay, cilad ayaa dhacday inta lagu guda jiray diiwaangelinta. Fadlan dib isku day.
SomFuture Logo

SomFuture

Mustaqbalku halkan ayuu ka bilaabmaa. Ku soo biir isbedelka.

Contact Us

ragazzo@somfuture.com

+252619134748 | +252616112559

Warta Nabadda, Mogadishu, Somalia

© 2026 SomFuture. All rights reserved. | Privacy Policy | Safety | Delete Account