SomFuture Logo SomFuture
  • About
  • Ecosystem
  • Dhowaan
  • Horyaal Lab
  • Horyaal Business
  • Horyaal One
  • Rise of The Horn
  • Team
  • Contact Us

Horyaal One

Nidaamka Maamulka Dugsiyada Casriga Ah Ee Loogu Talagalay In Uu Horumariyo Koriinka Iyo Maamulka Dugsigaaga. (The Most Advanced School Management Ecosystem).

Access Horyaal One App Qeybta Maamulka (Admin)

1. Soodhaweynta Guud & Tirakoobka (Dashboard)

Isha ku hay dhammaan dhaqdhaqaaqa dugsiga adiga oo isticmaalaya shaashad hufan (Dashboard). Waxaad si toos ah ula socon kartaa tirada ardayda, dakhliga soo xarooday, kharashaadka baxay iyo xaadirinta ardayda maalinlaha ah (Real-time Statistics).

  • Ogow wadarta dakhliga iyo kharashka (Revenue vs Expenses).
  • Tirakoobka ardayda iyo macalimiinta (Live Counters).
  • Kala soco xogtaada meel walba oo aad joogto (Cloud-based).
Dashboard Horyaal One
Diiwaangelinta Horyaal One

2. Maamulka & Diiwaangelinta Ardayda

Diiwaangeli ardayda cusub si degdeg ah. Nidaamku waxa uu kuu kaydinayaa macluumaadka ardayga, sawirkiisa, xaaladiisa caafimaad iyo xogta waalidka. Waxaa si sahlan ku raadin kartaa arday kasta adigoo isticmaalaya magaciisa ama lambarkiisa gaarka ah.

  • Soo saar ID Cards-ka ardayda si otomaatig ah.
  • Maamul Fasalada (Classes) iyo Qaybaha Dugsiga.
  • Sii arday kasta aqoonsi gaar ah (Unique Registration Number).

3. Maamulka Maaliyadda & Lacagaha (Finance)

Bedel qaabkii hore ee buugaagta, oo u gudub nidaam xisaabeed hufan. Qabo lacagaha bisha, diiwaangeli kharashaadka maalinlaha ah, kana soo saar Rasiidh (Digital Receipt) oo daabacan ama si toos ah loo dirayo.

  • Sii waalidka Rasiidh SMS ama WhatsApp ah (Paperless).
  • La soco bixinta Mushaaraadka Macalimiinta (Payroll).
  • Soo saar warbixin maaliyadeed (Financial Reports) mid maalin, bil, iyo sanadba ah.
Finance Horyaal One Finance Tracking
Exams Horyaal One Report Cards

4. Imtixaanaadka & Natiijooyinka (Examinations)

Ha isku mashquulin xisaabinta dhibcaha. Kaliya geli natiijada imtixaanka, nidaamka ayaa iskiis u xisaabinaya wadarta, boqoleyda iyo darajada ardayga, soona saaraya Shahaado (Report Card) diyaarsan.

  • Abuur Imtixaano kala duwan (Tusaale: Bille, Dhexe, Kama Dambays).
  • Diyaarinta Maadooyinka iyo qiimaynta (Grading System).
  • Daabac Shahaadooyin casri ah oo leh QR Code iyo Logo-da dugsigaaga.

5. Xaadirinta & Dabagalka (Attendance)

Si fudud u xakamee xaadirinta ardayda iyo macalimiinta. Maamulaha wuxuu markaba ogaan karaa ardayda maqan iyo sababta ay u maqan yihiin si loo daba-galo tayada waxbarashada.

  • Geli xaadirinta maalinlaha ah si degdeg ah oo hufan.
  • La soco xogta joogitaanka fasal kasta si gooni ah.
  • Kaydi taariikhda xaadirinta sanadka oo dhan (Attendance History).
Attendance Horyaal One

Shaashadaha Dheeraadka Ah

Fasalada Ardayda Waalidiinta Maadooyinka More More Dejinta

Hel Nidaamkan Casriga Ah / Subscribe Now

Buuxi foomkan hoose si aad ugu gudubto nidaamka Horyaal One. Waxaa si toos ah laguu geyn doonaa WhatsApp-kayaga si aan kuugu caawino rakibaada bilowga ah.

SomFuture Logo

SomFuture

Contact Us

imran@somfuture.com

+252619134748 | +252616112559

© 2026 SomFuture. All rights reserved. | Privacy Policy | Safety | Delete Account